Dr. Sheekh Cali Xasan oo ka mid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in dhaawaca Xareed Cali Durdur uu yahay mid aan darneyn oo sahlan, wuxuuna sheegay in ay dhaqaatiirta ku howlan yihiin sidii ay u daweyn lahaayeen.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose oo uu ka taliyo maamul beeleed ayaa in muddo ah ammaankeeda wuxuu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay dilal loo geysanayay dad aan waxba galabsan kuwaasi oo uu ugu dambeeyay Wariye Nasteex Daahir Faarax oo ay Kooxo hubeysan ku dileen gudaha Magaalada Kismaayo.